Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta

Tusmo

Shopping Cart

Items In Cart:

Total Amount: £ 0.00

View Cart Contents

Checkout & Pay

Wararka

» Waraysi - Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale

» Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org

View All..  

Reviews

»  KOR-KA-XAADINTA XOG
Dhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, i Read More..

»  Aanadii Nageeye - Sh
Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin: Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheeka Read More..

Galleries


Dhaqan

View All..  

Xubin noqo

 

Name

 

Country

 

 

Email

 

 

Taariikh


Tog-dheer footballer

View All..  

Tirakoob

Online Visitors: 6

Total Visits: 3004045

Proverbs

A -B -C -D -E -F -G -H -I -J -K -L -M -N -O -P -Q -R -S -T -U -V -W -X -Y -Z

 S                                                                                              TOP

» 771. Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
772. Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe
773. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
774. Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, salaad ragcad ka yar,
775. Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.(C)
776. Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og,
777. Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.
778. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye.
780. sadex col baa jira, col cad , col cas, col madaw, colka cad waa biyaha,colka casna waa dabka ,colka madawna waa dadka.
781. sadex la lama dego, doqon fiiro taqaan,fulay daandaansi yaqaan iyo geesi damac yaqaan.
782. sadexna la lama saaxiibo, nin aan rabi aqoon, nin aan rag aqoon iyo nin aan run aqoon.
783. Safar waa si wada yeel.
784. Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa
785. Sagaaro inteeda waa ku duq.
786. Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
787. Sagaaro, mindhaa ima barato.
788. Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib.
789. sakaaro laba tun oo laka qalo ma leh.
790. Salaadba waqtigeedaa la tukadaa
791. Samraa, sammo hela.
792. sankaagoo qudhma lama gooyo.
793. Seedi waa beer
794. Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda.
795. Shan shidda ma macaysaa.
796. shibiri maalibay dab qaaday buulkeedii baanay ku gubtay.
797. Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa.
798. shinbir duul duul badani af libaax bay gashaa.
799. shinbirba shinbirkiisuu la duulaa.
800. shinbiri laba geed ma wada gurato.
801. Shir looma wada uunsiyo
802. Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
803. Shisheeye sheela duxa ma leh.
804. Shubaali waa biyo la bax.
805. sidaan kuugu lisay iigumaad hanbayn.
806. Sidee xeego lagu xagtaa ilkana u nabad galaan
807. sir ma qabe allaw sahana.
808. sir naageed lama sal gaadho.
810. sixun wax u sheege saaxir ka daran.
812. soo bax baa la leeyahay sacabka leefaysaa.
813. Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa.
814. soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo.
815. Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa.
816. soomalidu waa indho ku garaadle.
817. soor quudheed lama cuno xoolo quudheedse waa la qaataa.
818. Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago.

 

Raadin

Maxaa Cusub

Buugaag



HAL AAN TEBAYEY
Price: £10.00



Habka Soomaalidu Gee
Price: £10.00

View All..   

Warside



Quraanka Kariimka ah

View All..   

Calendar

September, 2010
SuMT WThFS
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930

Aftahan.org