Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta

Tusmo

Shopping Cart

Items In Cart:

Total Amount: £ 0.00

View Cart Contents

Checkout & Pay

Wararka

» Waraysi - Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale

» Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org

View All..  

Reviews

»  KOR-KA-XAADINTA XOG
Dhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, i Read More..

»  Aanadii Nageeye - Sh
Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin: Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheeka Read More..

Galleries


Dhaqan

View All..  

Xubin noqo

 

Name

 

Country

 

 

Email

 

 

Taariikh


Tog-dheer footballer

View All..  

Tirakoob

Online Visitors: 9

Total Visits: 3004045

Proverbs

A -B -C -D -E -F -G -H -I -J -K -L -M -N -O -P -Q -R -S -T -U -V -W -X -Y -Z

 H                                                                                              TOP

» 

Maahmaaho Xarafka H

1. haad habeen kacay waxbaa kiciyey.
2. haani guntay ka tolantaa.
3. habaar waalid ma hadho.
4. habar baas inan baas bay ahayd.
5. Habar caal weydey durey bay hafartaa
6. habar dhali wayday aleelo ku waalatay.
7. Habar fadhida legdini wax uga fudud
8. Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa
9. Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa.
10. Habeen ciidan maaha
11. habeenkii hoos baa loo hadlaa maalintiina hareera haa layska eegaa.
12. hadal aan fiiro loo odhani wuu kula fogaadaa, caano aan fiiqsi loo dhamina feedhahay wax yeelaan.
13. hadal badani haan ma buuxsho.
14. hadal hadal kama dheera.
15. Hadal intaadan buu ammaan yahay
16. Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan.
17. Hadal iyo hilbaba kala qalan.
18. hadal lama wadaagee caanaa la wadaagaa.
19. hadal nin badiyeyna ma dhamayn nin yareeyeyna waxba kama tegin.
20. Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
21. Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
22. hadal tuurtuur kuma sama.
23. hadal waa dheh iyo dhagayso.
24. Hadal waa la kala odhan og yahay illaahayna waa la kala bariyi og yahay.
25. hadal waa margi.
26. Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
27. hadal waayeel waa guudmar..
Hadal yar iyo hawl badan.
28. hadalaw nin si kuu yidhi hawraarayna ninba si kuu qaaday.
29. hadalka kiisa kulul iyo kiisa qaboobi meel buu isugu tagaa.
30. Hadalka wanaagsani waa sadaqo
31. hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay.
32. Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay.
33. hadalna sii dhehbaa diley hanbana sii hudhbaa dishay.
34. haday fooli timaado gudo qarsiimo reeban.
35. hadba sidii loo jabaa loo dhitiyaa.
36. haddaad been sheegayso been run u eeg sheeg.
37. haddaad hungurooto waa la hadlaa oo habaa la dhisaa wax laug helo.
38. haddaad tagto meel lagu il laayahay ishaa layska ridaa.
39. Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa.
40. Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday.
41. Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
42. Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd.
43. Haddii aan la kala roonaan roob ma dao
44. Haddii uu deg degsiinyo door dhalo raagsiin yuhuna kiish lacaguu dhalaa.
45. Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
46. hadii aad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa.
47. Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo
48. Hal libaax arkaysaa ma godlato.
49. Hal libaax arkaysaa ma godlato.
50. Hal maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa.
51. Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh.
52. halmaan hadal kuma jiro.
53. Hamba soor ma eh
54. Hangaraarac lug uma dhutiyo.
55. Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
56. Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey
57. Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa.
58. Hawli jid caddeysay.
59. Hawo iyo hoos galbeed labadaba lama gaadho.
60. Heeraa wan ma eh??
61. Heesta geelu waa kala horreysaa.
62. Hilib beer laga dooray waa weyd.
63. Hilib hal dukhsi ayaa qudhmiya
64. Hillaac biyihiisuu muujiyaa.
65. Hoonbaro libaax bay soo wadaa.
66. Hooyadii ka guure habar yartii kuma negaado.
67. Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
68. Hubsiimo hal baa la siistaa.
69. Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
70. Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa
71. Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha
72. Hurdo cagahay ka bilaabataa.
73. Hurdo habar ma koriso.

 

Raadin

Maxaa Cusub

Buugaag



HAL AAN TEBAYEY
Price: £10.00



Habka Soomaalidu Gee
Price: £10.00

View All..   

Warside



Quraanka Kariimka ah

View All..   

Calendar

September, 2010
SuMT WThFS
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930

Aftahan.org