 |
|
|
 |
|
|
» KOR-KA-XAADINTA XOG Dhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, i Read More..
» Aanadii Nageeye - Sh Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin:
Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheeka Read More..
|
|
|
|
Online Visitors: 10
Total Visits: 3004045
|
|
|
|
|
|
A -B -C -D -E -F -G -H -I -J -K -L -M -N -O -P -Q -R -S -T -U -V -W -X -Y -Z
|
|
|
»
Maahmaaho Xarafka C
1. Caana daatay qabasho ma leh 2. Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso naagood. 3. Caano Jiilaal canba canbid. 4. Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa. 5. Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo. 6. Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa. 7. Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay. 8. Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa). 9. Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil. 10. Calafkaa, nin ku rabaa baa haya. 11. Caleen qudhac calool geel ma buuxiso. 12. Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto. 13. Cali noolba wax sii. 14. Calool adayg waa illaahay wehelkii. 15. Calool rag waa webi xagaa. 16. Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego). 17. Canaan ka yaab reer ma doojo. 18. Canbe laf baa ku jirta. 19. Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa 20. Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko. 21. Caqli: Dugaag sankuu ka galay; Xoolo, sankuu ka galay; Rag, xabadkuu ka galay; Naago, indhuu ka gala 22. Car faruurow foori gaalee? 23. Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan. 24. Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan. 25. Carab loaad caws looma tilmaamo. 26. Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa). 27. Carraabo, fadhaa quusiyey 28. Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto. 29. Carruurey cayntaa ba´day. 30. Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh 31. Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo 32. Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa. 33. Caruuri waa ciil laga waynaado., 34. Casaan qurux kama qatana. 35. Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa. 36. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo 37. Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego. 38. Ceel biyo lihi ma foga. 39. Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa. 40. Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa. 41. Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada). 42. Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar 43. Cidlo ciirsi m leh. 44. Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan 45. Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna. 46. Cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa. 47. Ciyaar baa dhab u gadoonta. 48. Ciyi waa ka beryey. 49. Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita. 50. Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay. 51. Col hortii baa hub la samaystaa. 52. Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa. 53. Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa. 54. Col ku galay cabsi kugu reeb. 55. Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo. 56. Colka wadhaf ma lagu dayey. 57. Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo. 58. Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho. 59. Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki. 60. Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan
|
|
|
|
 |
|
|
|