Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta

Tusmo

Shopping Cart

Items In Cart:

Total Amount: £ 0.00

View Cart Contents

Checkout & Pay

Wararka

» Waraysi - Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale

» Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org

View All..  

Reviews

»  KOR-KA-XAADINTA XOG
Dhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, i Read More..

»  Aanadii Nageeye - Sh
Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin: Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheeka Read More..

Galleries


Dhaqan

View All..  

Xubin noqo

 

Name

 

Country

 

 

Email

 

 

Taariikh


Tog-dheer footballer

View All..  

Tirakoob

Online Visitors: 21

Total Visits: 3007343

Buugaag -

 
     

Aanadii Negeeye

By: Ibraahim-hawd
Publisher: Pisa Ponte Invisibile Edizioni
ISBN No: 88-88934-05-7  
Book Price: £10.00
Year Of Publishing: 2007
Book Language: Somali
Book Benefit: Taxanaha Cirsankayeedh - sheekooyin taxane ah

Review By: Aanadii Nageeye - Sheeko aan falanqayntii ay mudnayd helin
Tue, 26 Jun 2007 03:48:56 -0400

Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin:

Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheekada iyo dhanbaalka ay xambaarsan tahay ee ay soo gudbinayso. Waxaan halkan ku soo gudbinaynaa annagoo ka eegayna dhinac kale oo aan ahayn dhinacyadii aan ka soo taataabanay. Waxaan markan ka eegaynaa sheekada kana hadlaynaa baxaaliyada sheekada ku jira(characters),iyo qaabka iyo dawrka ay sheekada ay uga qayb qaadanayaan ee ay ku matalayaan. Waxaan marka u horraysa ka hadli doonaa raage oo ah baxaaliga ugu muhiimsan uguna culus ee sheekada ku jira. Waxaanad mooddaa in raage yahay shakhsiga iyo baxaaliga inta badan fekerka iyo falsafadda sheekadu xambaarsan tahay gudbinaya. Raage ayaa matalaya dabaqadda jiilka cusub ee magaalo ee la kulmay markii u horraysay marxaladda xaaladda kalaguurka dhaqan(transition),taas oo ay laba nidaam iyo laba dhaqan ay isa soo gaareen. Kuwaas oo ah dhaqankii hore ee dhaqameed(tradition)iyo dhaqanka cusub ee casriga ah ee magaalo iyo dawladeed(modernity). Waxaa raage ahaa baxaali yaraantiisii miyi ku koray,dabadeed magaalo yimid oo wax ku bartay,isagoo raage la kulmay oo dhex galay garoonka iyo barxadda ay labadaas dhaqan ay ku kulmeen iskuna arkeen ee magaalo. Waxaa raage labadaas dhaqan ee uu isku maray dartood uu noqday shakhsi ay ku hardamayaan ayna isku haystaan labadaas dhaqan iyo nidaam oo kala duwan ee lagdamaya. Waxay taasi ay raage ku keentay in ay la soo daristo xaalad iyo cudur iswaa iyo israadin dhaqameed la oran karo, ama jirro afka qalaad lagu yiraahdo(schizophrenic). Waxaa raage noqday qof dhex heehaabaya oo ku dayaynsan islamarkaana israadiniya isna goobaya oo isla’a,kuna sugan xaalad gadgaddoon iyo isbadbaddal joogto ah oo aan meelna ku sugnayn(state of flux).

Haddaba raage iyo jiilka casriga ah ee wax bartay ee magaalo ee uu matalayo,ayaa waxay ku dhaceen dabinka kalabax iyo dhanbalan ka dhashay qiyamka iyo anshaxii nidaamkii dhaqameed ee isagu isbaddalayay ee laga guurayay iyo,qiyamka iyo anshaxa hadda soo kordhay ee casriyeed iyo halganka hawlgalka dhaqdhaqaaqa ay wadaan dabaqadda maamul ee bulsho ee magaalo iyo dawladeed ee waayaha cusub ee casriga ah yimid. Waxaa raage iyo adeerkii Rooble oo matalaya jiilkaas cusub ee dawladeed ee waxbartay,ayaa waxay dhaxleen kuraastii iyo xilkii maamul iyo shaqo ee dawladeed ee gumaystuhu ka tagay,taas oo ay qasab ku noqotay in ay u dhaqmaan habdhaqanka iyo heerka iyo dhaqanka nin casri ah oo ilbax ah, oo la mid ah dhaqanka ninka reer yurub ee casriga ahi u dhaqmo,iyadoo raage wali yahay nin soomaali ah oo ku xiran dhaqankiisii toleed ee bulsho ee miyi ee maxaliga ahaa,lagana rabo oo ay qasab tahay in uu dhaqankaas uu raaco oo sida dadka iyo ummadda  kalaba u dhaqmo oo uusan ka duwanayn. Waxay arrintaasi u horseedday in uu xuddun iyo bartilmaameed u noqdo, qalalaase iyo qas ballaaran oo u dhexeeya labadaas nidaam iyo dhaqan ee kala duwan ee uu isagu dhextaalka u yahay ee ay dhexmarayaan.

Marxaladda cusub ee raage galay ee magaalo iyo dawladeed ee ay reer yurub markii u hiorraysay ay la yimaadeen,ayaa ah mid nidaamkaasi uusan hadda maqal uun raage ku soo gaaray oo aan carrada wali imaan,balse waxay noqotay in joogitaanka iyo imaatinka ninka cad ee reer yurub uu afrika yimid uu keenay uuna watay xoog iyo quwad cusub oo nafsiyeed iyo xaddaaradeed,iyadoo jiilka cusub ee magaalana uu ka aflaxay waxna ka bartay dugsiyadii iyo aqoontii cusbayd ee gumaystughu keenay. Waxayna qaateen islamarkaana ay yeesheen shakhsiyad iyo nafsiyad iyo feker ka baddalan kana duwan shakhsiyaddii dhaqameed ee toleed ee soo jireenka ahayd ee dadku ku dhaqmayay. Waxayna shakhsiyadda iyo nafsiyadda jiilka cusubi ay noqotay mid xambaarsan oo abuurtay iskahorimaad,iskudhac iyo qalalaase iyo duufaan isbaddal cusub wadata,taas oo ay codsiyada iyo baahiyaha caadooyinka iyo dhaqanka xeerarka toleed ee dhaqameed ay noqdeen kuwo iskudhac iyo loolan u dhexeeyo oo lagdan kula jira,xeerarka iyo dhaqanka cusub ee gumaystuhu keenay,iyadoo dhaqanka iyo xeerarka cusub ee casriga ah, markan uusan matalayn ninkii caddaa ee reer yurub,balse uu matalayo nin madaw oo soomaali ah oo ninkaas cad wax baray oo isaga dhaxlay. Waxaana halkaas ka soo baxay oo ay sheekadu noo bidhaaminaysaa sida mujtamaca iyo bulshada soomaaliyeed ay ahayd, ka bacdi imaatinkii reer yurub iyo dhaqankii iyo xaddaaraddii casriyeed ee uu watay ee la yimid,ahaydna xaqiiqo iyo waaqic taariikheed oo lama huraan ah oo aan cidina dafiri Karin indhahana ka qarsan Karin oo caalamka oo dhan gaaray kuna fiday,iyadoo taas awgeedna ay soomaalidu gashay ayna soo wajahday oo ku soo butaacday xaalad dhaqan iyo xaddaarad cusub oo watay fowdo iyo qalalaase dhaqan oo baahsan(society in turmoil). Waxaana labada dhaqan ee midna soo galootiga yahay ee yimid, midna uu horay u jiray ee dhaqameed ay noqdeen kuwa ku dulhardamaya iskuna haysta sidii uu mid walbaaba uu isagu gacanta sare u yeelan lahaa,waxayna dhaqamadaasi ay ku dhex hardamayaan gudaha maskaxeed iyo nafsiyeed ee bulshada soomaaliyeed,iyadoo taasina ka dhigtay mid shakhsiyaadka iyo baxaaliyada sheekada ku jiraa ay la lagdamayaan ayna haysato dhibaato isbahaysi iyo kala safasho iyo iska horimaad oo ka aloosan jiilalka kala duwan,taas oo aysan shakhsiyad kasta haddii ay noqoto mid dhaqameed iyo mid casriyaba ay noqdeen mid aan ka badbaadin marka la yiraahdo,qas iyo qalalaase shakhsiyadda iyo baxaaliga naftiisa ka dhex socota oo la isku haysto,ama mid dibadda uga imaanaysa oo isaga lagu hayo,taas oo ka dhigatay mid aan shakhsiga iyo baxaaliga noloshiisa iyo naftiisa kaliya aan saamayn oo burburisa,balse waxay noqotay mid qaska iyo isku dhaca noocaas ah ee dhaqan, uu noqday mid bulshada oo dhan saamaysay oo ku baahay,gaartayna qabiilka iyo tolka oo idil gabi ahaanba. Waxayna qabiil iyo beel kastaba ka dhigtay mid kala jabta oo kala qaybsan kalana baxday,iyadoo ay baxaaliyada iyo shakhsiyaadka ku jirana ay yihiin muraayadda aan ka dheehanayno ee laga arkayo tararka iyo kalajabka burburka ka socda gudaha bulshada iyo mujtamaca ee xaaladda noocaas ah aan ka arki karno ee bulshada haysta ee ku dhacay.

Haddaba isku dhaca iyo iskahorimaadka noocaas ah ee dhaqan iyo bulsho waxay sababtay oo ay horseedeen dareen ah, in kala go’o iyo faquuqid iyo qulub iyo qas uu isku dhacaasi dhaxalsiiyo oo ku reebay shakhsiyaadka iyo baxaaliyada sheekada ku jira ee mujtamaca sheekadu ka hadlayso ee soomaaliyeed matalaya.waana halkaas meesha sheekada nuxurkeeda iyo biyodhaceeduba ay ku aroorayaan ee ay ku socoto loona baahan yahay in halkaa laga abbaaro naqdinteeda iyo tuujinta nuxurka iyo ujeedada noocaas ah ee ay huwan tahay, si miidda sheekada loogu dhaco loogana faa’iidaysto, ummadda aan sheeko naqdinta iyo faallaynta aan aqoonna looga faa’iideeyo,taas oo ah qaska iyo qalalaasaha ka taagan ee ka socda mujtamaca iyo bulshada dhexdeeda  kana dhashay iskudhaca iyo hardanka labada nidaam iyo dhaqan ee ummadda ku dul dagaalamaya iskuna haysta ee rafaadiyay.

Waxaa raage oo ah shakhsiga iyo baxaaliga iskudhaca labada dhaqan ubucda u ah ee la isku haysto uu yahay kan hardanka iyo loolanka noocaas ahi uu burburiyay uuna dulmaray,ayna waxyeelada ugu badani ay ku dhacayso,taasina ay dhaxalsiisay kuna reebtay in uu la kulmo uuna noqday shakhsiyad iyo baxaalli aan aqoonsi, hayb iyo summad toona aan lahayn oo meel cidla’a ah ku soo dhacay(loss of identity). Haddaba jiilka cusub ee magaalo ee wax bartay waxay waxbarashada casriga ah ee ay barteen iyo nolosha magaalo ee ay la kulmeen ay ka dhigtay kuwo qariib ku ah dadkiisa iyo dalkiisa iyo tolkiis dhexdooda,kana takooran oo ay waxbarashada iyo nolosha magaalo ee uu galay ay ka go’oysay kana faquuqday dhaqankiisii iyo bulshadiisii,iyadoo ay dabaqadda noocan ah ee cusub aysan ilaawin islamarkaana hilmaamin oo madaxooda iyo maskaxdooda laga mayray dabeecadda iyo habdhaqanka bulshadooda iyo caadooyinkeeda iyo xeerarkeeda dhaqameed ee soo jireenka ah ee toleed oo kaliya,balse waxay sidoo kale hilmaameen oo madaxooda laga mayray saamaynta iyo raadka weyn ee qofka ay bulshadiisu iyo tolkiis ay ku leeyihiin,haddii ay noqoto guur, quud iyo qaaraan, dhiig iyo dhaqan, xilo iyo xaal, hiil iyo garab iyo taageero kasta oo qofku bulshadiisa uga baahan yahay iyo,taas baddalkeeda waxa isaga iyana laga rabo ee waajibka bulsho ku ah ee bulshada iyo tolku uga baahan yihiin,qofkuna ay tahay in uu waajibkiisaas bulsho iyo toleed uu guto,iyadoo bulshadana sidoo kale qofka tolka ka tirsan ee xubinta ka ahi ay kaalintooda iyo taageerada uu uga baahan yahay iyo amniga nafiisa iyo xoolihiisaba ay garab istaagaan.

Haddaba raage waxuu noqday kuna sifoobay shakhsiyad labadii dhinacba seegay.Waxaana raage noqday mid gabi ahaanba ku caasiyay islamarkaana ka baxay dibaddana ka ah reerihiisii iyo bulshadiisii toleed ee uu ka tirsanaa. Waxayna taasi ka dhigtay mid ay raage bulshada toleed u aragtay nin dabamaray kana cararay oo dayacay waajibkiisii bulsho iyo toleed ee saarnaa,markii raage dafiray  uuna dhinac maray oo ku caasiyay dhaqankii iyo xeerkii toleed haddii ay noqoto dhiig iyo dhaqan quud iyo qaaraanba xilo iyo xaal,iyadoo dhinaca kalena nasiibdarro raage uu qabiilkii iyo qoladii cusbaa ee uu ku biiray ee muwaadinjka soomaaliyeed ku magacawnaa, iyo tolkii qawmiyeed ee cusbaa ee uu galay uu noqday mid bahdila oo isna faquuqay oo geed ku xiray kuna suntay waliba in uu yahay qarandumis iyo soomaalidiid oo dib u socod ah. Raage waxuu noqday mid nafsiyan maran oo haawanaya(psychological void),taas oo ah xaalad tilmaamaysa shakhsiyad iyo nafsad aan meelna ka tirsanayn,iyadoo uusan raage labadaas caalam midkood ku tiirsanayn oo garab u yahay oo shadaafta dhigtay,kan kalena okobban oo markaa garab iyo taageero ka raadsanaya, si uu labadaas caalamba u kasbado,balse uu noqday mid labada caalamba aysan midna gargaar iyo taageero iyo hiil toona aysan u fidin,labadubana aysan midna u hiilliyin. Waxaana halkaa raage noqday mid ay la soo daristay xaalad quus iyo niyadjab ah iyo in uu iscasilo oo hawlgab uu halkaas siyaasiyan iyo bulsho ahaanba uu ku noqdo, oo cidla’a kaligii yuurarsado,sidii qof duumo qaba sidii uu u fooraray ee dulmi u tirsanayayna ku gaboobay.

HADDABA JIILKA CUSUB EE WAXBARASHADA YURUBIYAANKA AH QAATAY ee magaalo noqdayna shaqaalaha iyo saraakiisha madaxda maamulka dawliga ah ee magaalo ee qawmiyeed horkacayay,ayaa waxaa dabaqaddan cusub ee casriga ahi uu culays iyo cadaadis weyni kaga yimid in ay dabaqaaan ayna raacaan oo ay daboolaan dalabyada iyo baahiyaha codsiyada laba nidaam bulsho iyo dhaqan oo aan is waafaqsanayn, oo aan la is waafajin lana shaqal tirin oo aan la isku dhafin la iskuna lamaanin oo aan la isku sidkin(coextensive),islamarkaan a si weyn oo qoto dheer isku dhaafsan oo iska horjeeda isna mudaya oo isdiidan. Haddaba dhaqankii iyo aqoonsiga haybtii toleed ee gaarka ahayd ee bulsho ee dhaqameed ee iyadu ahayd tan aqlabiyadda mujtamaca soomaaliyeed tan uu ku dhaqmo ee iyadu matalaysay hiddaha iyo dhaqanka toleed ee ay ummadda soomaaliyeed gaarka u lahayd ee lagu yaqiin,ayaa noqday mid laga dhigay ama iyadu ka horimanaysa oo ka horjeeda hiraalka iyo halkudhagga baaqa aqoonsiga haybta qawmiyeed(pan-somalism),oo iyadu ah fikirka iyo wacyiga garaadka raage rabo in uu soo bandhigo oo meelmariyo uuna muujiyo oo uu ku dhaadanayo. Raage waxuu ku dhex noolyahay oo la hardamayaa dagaal iyo hardan u dhexeeya bulsho muwaadineed oo oddoros ah oo aan jirin(imagined national community),iyo hay’ado bulsho oo toleed oo u samaysan una qaabaysan qaab gaar ahaaneed oo hayb iyo nidaam kaladuwanaansho toleed iyo dhaqan ku abtirsada oo mujtamaca dhexdiisa ka jirta,ahna mid dhab ah oo waadax ah oo muuqata.kuwaas oo ay hay’adaha bulsho ee toleed ay yihiin kuwa iyagu qaabeeya oo jiheeya sida dhabta ah duruufaha iyo xaaladaha hawlmaalmeedka qofka ee nololeed ee xukuma nolol maalmeedkiisa caadiga ah ee bulsho iyo dhaqanba. Waxaa ajandaha iyo barnaamijka uu raage ku hawlgalayaa ee uu wataa uu noqday mid dagaal iyo hardan iyo colaad ku haya ajandaha iyo barnaamijka xeerka iyo dhaqanka bulsho ee mujtamaca reerkiisa iyo tolkiis oo ay matalayaan una taagan yihiin reer damalweyn. Waxaana sida aan ognahay ay tahay hawsha iyo shaqada hay’adaha noocan ah ee toleed u samaysan yihiin una jiraan ee ay u dhisan yihiin in ay difaacaan danaha iyo maslaxadda toleed iyo deegaan iyo goboleed. Waxaana rage isagu u dirirayaa una qiiraysan yahay oo u jidbaysan yahay mujtamac iyo bulsho tolweyne soomaaliyeed oo qawmiyeed oo aan wali bislayn oo geed saaran oo aan dhab ahayn,taas oo ay kaladuwanaanshaha dhaqan iyo bulsho iyo faraqa xiriirka toleed oo aan la iswaafajin la iskuna habayn oo aan la midayn(harmonised),iyadoo aan la abuurin jir iyo dhisme samays iyo aqal midaysan oo ummaddeed iyo qawmiyeed oo taabagal ah oo si dhab ah isaga warqaba iskuna hiiliya oo isugu tiirsan(conceious). Waxaana uu meesha ugu sarreysa uu gaaray iskudhaca iyo iskahorimaadka dhaqan iyo bulsho, uuna gaaray fiinta u sarreysa qalalaasaha iyo qulubka dhaqan iyo bulsho ee sheekada, markii raage damcay in uu deeqa guursado,lagana codsaday in uu keeno odayaashiisii toleed ee la ardaa dhigi lahaa,laakiin raage isagoo caddaysin ah irridda uga galay odayaashii iyo tolkii xididkiisa cusub ee gabadhu ka dhalatay ee sugayay. Waxaa taasi yaab iyo fajaciso ku ridday odayaashii iyo tolkii gabadhu ka dhalatay ee heeganka u ahaa ee raage iyo tolkiis sugayay sidii ay caadaduba ay ahayd. Waxay tani astaan iyo calaamadba u tahay ayna muujinaysaa fikradda raage qabo ee ah in uu yahay nin casri ah oo magaaloobay oo qawmi ah,taas oo uu u qabo ayna la tahay uuna rumaysan yahay, in si qofku isu horumariyo una soo bandhigo shakhsiyaddiisa una caddeeyo lafihiisa iyo in uu yahay shakhsiyad ku abtirsata kuna dhaadata in ay soomaali tahay,si uu taas u caddeeyo una muujiyo ay tahay in uu raage marka hore dafiro uuna ka dhexbaxo kana siibto iskana daahiriyo xirrirka iyo dhaqan kasta oo uu la leeyahay tol iyo qabiil iyo oday-dhaqameed iyo deegaan oo habsan iyo dib u dhac iyo badawnimo ah,ayna tahay si uu taas u muujiyo, iyo in uu tagay oo magaaloobay uuna ilbaxay in uu isagoo caddaysin ah oo kaligiis ah oo xor ah yimaado. DHinaca kale raage gabadha uu doonayo waxay ku xiran tahay guurkeedu maaha in uu soomaali yahay oo deeqa markay iska hubinaysay ee ay rabtay in ay ogaato,uuna raage u sheegtay in uu soomaali yahay waxay ku tiri:dadkoo dhami waa soomaali waase la ishaybsadaa ee adigu yaa tahay.Marka gabadha guurkeedu kuma xirna soomaalinimadiisa oo laga shakisan yahay ee waxaa la doonayaa in la helo odayaashiisa iyo tolkiis,oo ay tahay in ay gabadha reerkooda ay ka soo doonaan,iyadoo gabadha uu guursanayo lafteedu u sheegtay in ay u baahan tahay in ay ciddiisa iyo qolodiisaba ay ogaato iyo, in uu mudan yahay ama u qalmo in uu gayaan u yahay si ay u hubiso una xaqiiqsato reerkiisa iyo ciddiisa.Waxayna deeqa lafteedu ay la yaabtay sababta raage isku qarinayo iyadoo aan fahmin in sababta uu qabiilka u diidayaa, in ayba ka tahay qiiro iyo xamaasad waddaniyeed oo uu qabiilba ka xoroobay kana koray oo ka dalacay,taas oo ah kaaf iyo kaladheeri ahna iskudhaca isfahamla’aanta dhaqameed iyo iswaaga aan ka hadlayno ee ay sheekaduba isugu biyo shubanayso ee ay abbaarteedu tahay. Waxayna taasi calaamad iyo tilmaan u tahay faraqa iyo kalataganaanta weyn ee raage iyo bulshada uu ku dhex nool yahay u dhexeeya,raagena la rafanayo uuna dhexsabbaynayo mawjadda iyo hirar dhaqammo isjiiraya isna mudaya oo iskahorjeeda.

Haddaba raage markuu arkay sida ay isku mudayaan iskuna qaban la’ayihiin codsiyada iyo dalabyada baahiyada ay kala qabaan, ee ka kala imaanaya mashruuca casriyayan ee magaalo iyo dawladeed, iyo habnololeedii hore ee dhaqameed iyo toleed ee bulsho ee xilliga cusub ka hor ay ummadu ku soo noolayd kuna soo dhaqnayd waayaha teeriikheed ee fog.Waxaana duruufaha iyo xaaladaha kalaguurka ah ee dhaqameed ee noocan ah ay abuurtay oo ka dhashay lammaanayaal lid isku ah oo ismudaya isna hardinaya oo loolan ba’ani ka dhexeeyo(binory opposition),kuwaas oo kala ah casriyan iyo dhaqan, iyo soogalooti iyo dhalad,magaalo iyo miyo, tol iyo waddani, qadiim iyo jadiid iwm. Waxaa kale oo xusid mudan in raage ay qancin wayday una cuntami wayday in uu ku noolaado heerka iyo mustawaha dhaqanka iyo xeerka iyo waajibka toleed ee ay reer damalweyn ka rabeen ee ay ugu han weynaayeen,ayna rabeen in uu tolkii ka mid noqdo oo uu wax la qabo, isagoo ay garbaha ka socdaanna oo la galbinayo uu gabadha doono, sida loo yiri tol waa tolane,ayaa isagoo isna taas iska sarraysiinaya oo iskalaweyn oo ka hanweyn, uu caddaysinimo in uu ku yimaado ka door biday ayna kala fiicnaatay,waxaana taas awgeed iyo iskalaweynidaasi ay raage dhaxalsiisay in uu noqdo mid caddaysin ah kana go’odoonsan oo ka faquuqan bulshadiisa iyo reerkooda,iyadoo ay dhanka kalena ay aqoonsiga haybtii qawmiyeed ee soomaalinimo ee uu higsanayay ay wali tahay mid cirka ku laalan oo wali rahman oo aan dhab ahayn,dadkuna wali u bislayn oo wacyigeeda lahayn,iyadoo aysan jirin odayaal iyo muwaadiniin soomaaliyeed oo qawmi ah oo gabadha raage u doona oo u ardaadhiga,balse ay tahay waxa kaliya ee gabadha la ardaadhigayaa ee la doonayaa odayaasha reerkooda ee tolkiis ah ee alla baday. W axaa kale oo iyana soo baxay in markii jiilka cusub ee magaalo ee waxbartay ee raage ka mid yahay, in markii qaswmiyanimada iyo soomaalinimada loo dirirayay ee halgankii xoorriyad doonka ah lagula jiray gumaysiga, ay ahayd mid qabaailka soomaaliyeed la abaabulay lana garabsanayay oo la watay,markii xorriyadda la helayna ee ay jiilka cusub ee waxbartay ay dawladda qawmiyeed ay dhaxleenna ee ay muwaadinka soomaaliyyeed iyo shakhsiyadda qawmiyeed ee qaran ay sheegteenna, ay diideen ayna dafireen xiriiradii iyo xigtanimadii toleed iyo tii goboleedba, iyagoo noqday caddaysin qiiraysan iyo shakhsiyad qawmiyeed oo an qabiil la maqashiin Karin. Markii raage yurub tagayna,waa isagii haddana isrogay oo diiday oo maqaalka ku qoray,oo yurub iyo dhaqankeedaba hilfaha u qaaday isagoo ku dooday:in dhaqan iyo siyaasad iyo xansas iyo xaabo waxii yurub jiray la iska soo xaabsaday,dabadeed lagu dayoobay,oo ficil ahaan loo tarjumi waayay. Waxay ku mataleen ilmo sabi ah oo dukaan galay oo ku ashqaraaray waxii yiil iskana daldashay. Waxaana xeerka afrikada lagaga dhaqamaa uu yahay nuqul laga soo minguuriyay ka yurub. Halkii xeerkii hore u jiray la horumarin lahaa,waxii cusub ee la helayna ka hore loo waafajin lahaa,ayaa waxii hore la qubay,laguna baddalay wax qalaad. Waxay ku doodeen in loo baahnaa nolosha bulshadu halkii ay joogatay in hore looga sii ambaqaado,laakiin la isku dayay in wax walba laga soo bilaabo halkii ay yurub ka soo bilawday. Taasina ay keentay in dib loo hayaamo. Waxay ku xireen maqaalka in afrika sidaas ay u danbaynayso inta sidii ay wax madiidayasan cid kale ay daba socoto,sidaasna ay u fahmodarraanayso inta ay fal iyo wax la eeday ay faraqyada ku sidato sidaasna ay u walwaalanayso,inta ay durbaanka sixiroolaha ula qoobciyaarayso. Waxuu tusaale u soo qaatay sida dhaqankii hore ee soomaalida uu hoggaamiyaha bulshadu uu iyada uga mid ahaan jiray,dhib iyo dheefba ula wadaagi jiray,tol jeceylka iyo qaddarinteeda ugu dhiman jiray,xushmad iyo xishood u mudnaan jiray iyo,sida ay kuwa cusubi ay taas u dhinac mareen. Waxaa markan isagoo raage baadigoobaya oo dib u raadraacaya dhaqankiisii dhaladka ahaa,uu raage ku sifoobay uuna noqday nin dhaqanraac ah oo dhaqankii toleed iyo hoggaamintii oday dhaqameed ee toleed dib u xasuusta uguna hilooba,isagoo haddana dhinaca kale ku guuldarraystay raage in uu xeerkii iyo dhaqankii toleed ee dhaladka ahaa,haddii ay noqoto dhiig iyo dhaqan, guur iyo gabbaad,xilo iyo xaal,quud iyo qaaraan uu dhaqankaas u dabaqo kuna noolaado xeerarka iyo dhaqanka hiddaha noocaas ah ee soo jireenka ah ee toleed iyo dhaqameed.

Haddaba raage dhibaatadiisa iyo qaska iyo qulubka dhaqan ee haysta ayaa ah isagoo aan xiriirada noocaas ah eek ala duwan,usual midna si kama danbays ah u jari Karin,isagoo aan sidoo kalena aan ugu tiirsan Karin midkood si kama danbays ah iskuna wada raacin Karin oo isa siin Karin xiriirada noocaas ah midkood. Waxaana uu dhex walhanayaa laba xarumood iyo laba nidaam oo bulsho iyo dhaqan oo isaga tilmaan iyo summad u wada ah oo kala ah dhaqankii yurub ee casriyeed ee magaalo iyo dhaqankii toleed eemaxaliga ahaa ee damalweyn. Taas oo ka dhigtay mid ku nool hayb iyo aqoonsi meel dhexe walhanaya(liminal entities)kaas oo aan jirin xaggaas iyo xaggan toona una dhexeeya oo dhexyaal u ah(betwixt),goob iyo bar ku calaamadaysan kuna suntan oo leh xeerkeeda sharcigeeda iyo dhaqankeeda iyo munaasabooyinkeeda gaar ahaaneed. Waxaa xaaladda dhextaalka noocan ahi ee raage ku sugan yahay ay noqotay mid raage iyo waxbarashadiisa iyo dhismaha haybta aqoonsigiisu ay noqdeen had iyo jeer mid ay kalagoosteen una kaladhanbalan haybta aqoonsigii toleed ee aabihii micilibaax rumaysnaa ee dhaqameed,iyo haybta aqoonsiga magaalo ee qawmiyeed iyo muwaadineed ee adeerkii rouble iyo raage ay rumaysnaayeen.

Fikradda uu Raage rumaysan yahay ee ah fikradda waddaniyeed ee muwaadinimo iyo qawmiyeed,kana samaysan jawharad oo an qulqulin,ayaa ah fikradda udubdhexaadka u ah colaadda iyo loolanka hardanka fikireed ee ka dhexaloosan raage iyo tolkiss ee reer damalweyn,ee uu raage ka toloobay,taas oo ay reer damalweyn ay isku arkaan in ay bannaanka ka yihiin bulshada iyo mujtamaca qawmiyeed ee raage ku haasaawayo ee uu u qiiraysan yahay. Waxayna raage aabbihii iyo reerkoodu ay ku canaanteen kuna eedeeyeen maxaa soomaalinimo iyo culays aadan lahayn ku raray?maxaa ficilkii iyo qiiradii ka qaaday? Waa wax aan dad ahayn oo rouble dhaadhaamiyay. Iyadoo ay dhinaca kalena ay raage ka go’an tahay uuna daacad u yahay oo u qiiraysan yahay fikradda iyo horyaalnimada waddaniyeed ee soomaalinimo iyo qawmiyeed,iyadoo baaqani iyo halkudhagga noocan ahi uu asaas iyo udubdhexaad u yahay aydhiyoolajiyada iyo akhlaaqda iyo anshaxa raage rumaysan yahay ee uu daacadda u yahay uuna taabacsan yahay.

Mahad Xirsi

london uk

htrmah@aol.com 

  
 

Raadin

Maxaa Cusub

Buugaag



HAL AAN TEBAYEY
Price: £10.00



Habka Soomaalidu Gee
Price: £10.00

View All..   

Warside



Quraanka Kariimka ah

View All..   

Calendar

September, 2010
SuMT WThFS
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930

Aftahan.org