Halkan waxaan ka salaamayaa dhammaan akhristayaasha iyo dadka ku xidhan Aftahan meelkasta oo ay adduunka ka kulaalayaan, waxaanan leeyahay; Asalaamu Caleykum. Intaas ka dib; waxaan halkan idiin ku soo gudbinayaa gabay magaciisa la-yidhaahdo Xeer. Waxa uu ka hadlayaa ummuuro la xidhiidha arrimaha ummadaydu maanta ku sugan tahay, marka loo eego dhinac kasta. Dareenka uu gabaygu ka dhashay waxa lahaa ninka aan ku hal qabsaday oo gabay ii soo diray, isagoo igu leh; maxaad uga hadli weydey arrimahan ummaddeennu ku jirto, isagoo magacayga ku soo hal qabsanayey. Haddaba tani waa jawaabtii aan ninkaas waddaniga ah u celinayey. Ugu-danbayntii; anigoo ah Foosiya Axmed Maxamed (Foosiya-hormood) iga guddooma tixdan gabayga ah, oo soo baxday 22/10/2009.
Xigmad gabay Cismaanoow beryahan, waanigii xidhaye
Xaraabuun markay noqotay baan, xiisihiis nacaye
Xabsi geliyey maansooyinkii, aan xurmayn jiraye
Xagal-daaca waxa iigu wacan, waan xabeebsadaye,
Ummad xoolo noqotaan intaa, xey ku leeyahaye
Xis gedmadey xisaabaha lumaan, yaab xallinayaaye
Anigoo xawaaraha jaraan, xiiq la ledahayne
Inta xidhan, intaa xaaluftaan, xaashad qorayaaye
Afar xulantiyaan waayey iyo, geesi xayta ahe.
Xarumaha markay kala xidheen, xooggi baan jirine
Waxa dhici waxaa xeel jirtiyo, waxa la-xaadhaayo
Ummaddii xasuuq lagu ridaa, malaha xaalayne
Xabaalaha walaalkii nin dhigay, wuu ku xigayaaye
Xayntii ka doogtee hadhana, Xabashi baa layne,
Hay'adaa intaa xiimayee, xabagta doonaaya
Inta badaha xuuraanta ee, xeebihii madhisay
Xabbadaa intaa kula dhacdiyo, inta Ku-xoogeysa
Inta xerada kuu oodaysee, dabinka xoodeysa
Haddii xeerku qaban laa dad yohow, waad xasili layde.
Xamdi mahad Allaa lee dad yohow, dhiga xumaantiinna
Oo xaq baynnu leennee u xula, taladu kay xilato
Oo xuduudahaan leennihiyo, degelka xayndaaba!
Midnimaa xarrago lagu helaa, kelidu waa xuure
Xulufeysi kama maaranniyo, aragti xeel dheere
Is-xanjeerta oo xumaha dhiga, taladu waa xawl'e.
Xar baa galay, xosh bay wada noqdeen, kuwi xafidi laaye
Xarakada xifaaltamidda iyo, sii xiniif-raaca
Is-xammuurka baas iyo xasarad, loo xabbada-qaato
Mid waliba inuu xooxsadey, xolod u qaateene
Haddii laysu wada xoorin laa, lama xarraameene
Xaawaley xiskay garanaysana, xiniinle waa mooge.
Waxa xerada loo madhinayaa, waa la-xadayaaye
Xakabbada waxaa loo jabsaday, waa xuruuf qorane
Weysaaqa Yurub baa xannibey, iyo xannaankeede
Inna waa xabbado iyo rasaas, lagu xereeyaaye
Xaqiiqdana kuwii garan lahaa, way xistiyayaane
Nin aan xulantideedii ahayn, bay u xidhayaane
Xujaa inagu socotoo nin ragi, wuu xantanayaaye
Xakiimow Allahayoow ADIGU, nagu xoree Diinta.
AAMMIIN - AAMMIIN - AAMMIIN.