Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta

Tusmo

Shopping Cart

Items In Cart:

Total Amount: £ 0.00

View Cart Contents

Checkout & Pay

Wararka

» Waraysi - Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale

» Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org

View All..  

Reviews

»  KOR-KA-XAADINTA XOG
Dhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, i Read More..

»  Aanadii Nageeye - Sh
Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin: Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheeka Read More..

Galleries


Dhaqan

View All..  

Xubin noqo

 

Name

 

Country

 

 

Email

 

 

Taariikh


Tog-dheer footballer

View All..  

Tirakoob

Online Visitors: 12

Total Visits: 3007343

Poem Details

 
Poet Name: Muuse Cali Xirsi - Buurdhaab
Category Name: Gabayo
Last Updated: Fri, 13 Nov 2009 23:59:31 -0500

Poem Name: SIINLEY 3 - SAF-Deeq

SAF-DEEQ: (Gabay)
Muuse Cali Xirsi (Buurdhaab).

SIINLEYDA 3AAD: 18/09/2009.

Maxamedow-(1) Salaantii heloo, saaka ii timiye
Sooryada kal-gacaltooyo iyo, sixin ku iidaaman
Sawracadiyey goortaan akhriyey, sadarradaadiiye
Surinkeeda Shaariqa anoo, Siikh-(2) wax ku cabbaaya
Oo Salaaddi igu waajibtiyo, Soonka gudanaaya
INTERNET-ku sahay weeye iyo, sooryo Eebbahay'e
Allaylehe su'aashaadi gabay, waygu soo simaye.

Siinleey hadday foolatoo, saaka lagu qayshey
Sakatiga dad-weynuhu qabay, suulin oo tiriye
Shariifkuba-(3) hadduu saafi karo, wuu sukuminlaaye
Malaa subaxan jiiftiyo sarbeeb, kama sugaysaane
Sayn-caddaagu wuu gudhay hadduu, saad lahaa beriye,
Sumal buu u qalay ina Galaal-(4), curadka siinleeye
Isba Sananka Nowriish wuxuu, siinka uga qaaday
Suugaantu dhaxal weeye iyo, soo-jireen hore'e
Sadarrada ma-guurtada ah iyo, socod-badheedhkiisa
Sinji buu u leeyahay murtida, sida awowgiiye,
Sababaynta arartiisa iyo, saafiddiyo luuqda
Sariyo hoosba waw yidhi wixii, suura-geli laaye.

Anna sagalka waaberi waxaan, seexasho u diidey
Safraddiyo waxaan kula qabaa, saawa-saawaha'e,
Sanqadh-tirasho laygama filiyo, saayir iyo beene
Saddex weeye geeraarkuyoo, waa Saf-deeq kaniye
Anigaa sibraar kuugu shubi, suluxa caanoode
Dhaaxaan sir culus kuugu qoray, sadarro waaweyne,
Su'aalaha war-doonka ah haddaan, siinka uga faasho
Sama-talis haddaan shaafiyoo, saani u abbaaro
Saamigayga weedhiyo haddaan, sawdka ku asteeyo
Saraakiishi maansadu ka tage, suubbiskii gabay'e
Suugaanta kuma dhiirradaan, saajac geesiguye
Kuwii subagga Eebbawgu daray, siidhigii dhige'e
Safafkii ballaysimey shib yidhi, saalax-weetaha'e
Suxulladu kolkii ay mudhxeen, dhige sulaaxiiye
Seeteeye weedhii intay, dabarka saareene
Ina Walanwal goortuu salkiyo, baarka sare koobay
Moorada markuu saafayee, saarki bixi waayey
Dibnihiisi suuf buu ku xidhay, saynis-yahankiiye
Seben aan dhoweyn buu Cabdina-(5), sawdka gaabsadaye
Gaarriye safaad uguma tago, socod-haldhaaleeye
Sirridaari beriguu ahaa, waa sabaan hore'e
Sancaduu yiqiin loo carree, Sulubki-(6) gaabnaaye
Samow Aadan-(7) kama aanan maqal, mawjadaa sare'e
Geeraarraduu suubbin jirey, wuu ka saahidaye
Bishmahoodu soortay barteen, kama sarriigteene
Wuxuun bay saluugeen raggii, soocanka ahaaye.

Sicir-bararka maan-gaabka iyo, saarufkiyo caydha
Saadaasha googoosatiyo, samada qiiqawday
Soddon-guuro maansada jirtee, loo sal dhigi waayey
Sakalaha is dhaafdhaafayiyo, siibashada maanka
Sarakaca hubaal-doonka iyo, socodka miisaaman
Saluuggii Ku-laasimey markaad, saari kari weydey
Saaxiibbadaadii kolkuu, salowgu kuu geeyey
Suugaan in aad kaashatiyo, saaxadaha doodda
Kula siistay BEYNOOW murtida, saamallaylka ahe.

Sarta qudhuntay meeshay ku taal, saani waan garane
Surbacaadka garan-waaga iyo, seemmankiyo luufka
Soli mayso sheekada jirtaa, sayn-caddaalaha'e,
Qalin-leef la-saanyadey hadday, silic daweynayso
Sadarrada wax-barashada kuwii, lagu sunnaynaayey
Oo weli sidoodii ah baa, taagan suuqyada'e
Safkii lagu bilaabaa qoyan oon, suulin oo tegine,
Sebi weeye qarankeennu aan, sabada dhaafaynne
Weli socodku uma uu adkaan, seedda bawdaduye
Suubaa-salaax iyo buu rabaa, saayiraad badane
Durbadiiba muu sahamiyoo, saaca ina geeyo?
Socod-barad ninkii ugu dudaa, wuu silloon yahaye
Sanca-yahanka beesheennu waa, diin sagaal-jirahe
Inta uu sokeeyuhu duruus, seemman baranaayo
Ha ka filin in sahal looga baxo, saymahaa xidhane.

Kamase quusan saadaasha iyo, soo-socdaa maqane
Safka maanta xaydanise waa, laguma-seexdaane,
Sooyaalka taariikhda waa, laga sadqaystaaye
Kuwii talada saameeli laa, sooma ay dhalan'e
Sareediyo-(8) faceedoo ILaah, solansho mooyaane
Safka Raage-(9) ugu weynyahay, kama sokeeyaane.

Saxar-qaadda dayrada leh iyo, siigadiyo boodhka
Sallaxyada abaaraystay iyo, soonqadkiyo luunka
Qayrkeenba soo wada maryey, soolal oon badane
Garashiyo bayse kala soo hadheen, suubbin nololeede
Markay Yurubna saxariirtay bay, qalab samaysteene
Cilmi bay siraad uga dhigteen, geeddi-socodkiiye
Saxansaxadu kama ay horreyn, saababkii jabay.

Simbiriirixada geel kama kaco, saylan iyo qoone
Safan hore haddii lagu ogaa, suulashaa jabane
Sahankeedi baa gabay hadday, suushey maantana'e.
Hadba segeger baa lagu farxaa, loo sed tiriyaaye
Sida uu gar-soorkeennu yahay, laga saliilyooye
Waxa lagu sallidayaa hunguri, soori-qaaddayahe,
Sabo-daaqa qaab-maamulkiyo, saaruqiyo tuugga
Sirgacnaanta guurtida dalkiyo, suruca waayeelka
Iyo sirir hal-doorkii ku dhacay, soocankii qaranka
Sambab baa dhulkii looga qaxay, sabab-la'aaneede
Sanaag iyo wixii bari ka xigey, sawrac-doorsame'e
Suryo malable kama soo degaan, saad bagaashluhuye
Waxa Saaxil lagu sheegayaa, Saylac oo kale'e
So'da Herer beryahan looma ledo, Saakin nabadeede.

Burco siigadii lagu yiqiin, saaka waxa raaca
Sarrifkiyo dhaqaalaha jiraa, waa midaan soconne
Waxa suququl lagu iibsadaa, saanjad roodhiyahe
Hadday suuqi xoolaha ahayd, saalo laga waaye
Sidii adhiga loo xidhay nafluhu, uma socdaalaane
Safarrada ma geeyaan halkiyo, sayladdii bariye
Saraar iyo Togdheer lagama raro, sogobbo waaweyne
Cayn iyo ilaa Sool dhulkay, Soohan miranaysey
Abaar soof-ma-reebtaa heshoo, looga suudalaye.
Saranseerka Boorame ka dhacay, Awdal wuu simaye
Saraayaha colaaddaa u dheer, dhiig sokeeyaade
So'da Gebiley waa tay dhowaan, kala sed qaadeene,
Sonkor-aalihii lagama jaro, beer sabuulyo lehe
Gobol seeran kuma aanan arag, sabo-wanaagtiiye
Hadduu sagal ku soo jiro hawada, waa la sugi laaye.

Garashada silloonaatey iyo, saaca bixi waayey
Iyo say u waan-waan la'dahay, saaka waxa jooga
Siigada tahriibtiyo dhuyaal, socoto dheeraatay
Maatada sawaxankeedu waa, saymo lagu-reebye
Sibbitoor markii lala dhacay, dumarki soofeene
Saadaashu waxay doonaysaa, seben barwaaqaade
Kol uun baa salcaan laga baxaa, samo la-gaadhaaye,
Inkastoon sideedaba jeclahay, saacatal-ijaabo
Mar haddaan sedkeedii dhoweyn, sidigta Maandeeqah
Haw sacabba tuman Awgayoow, guul sabaale ah.

        ERAY-MACNAYN:
(1)-MAXAMED: Maxamed Cabdi Cilmi
(2)-SIIKH: Suuq Shaariqa ku yaalla.
(3)-SHARIIF: Cabdalle Shariif.
(4)-INA GALAAL: Maxamuud Aadan Jaamac Galaal.
(5)-CABDINA: Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-qays)
(6)-SULUB: Naanays uu abwaanku ugu yeedhay Gaarriye
(7)-AADAN: Aadan Tarabbi Jaamac – (Tuug Tarabbi)
(8)-SAREEDO: Sareedo Maxamed Cabdi Cilmi.
(9)-RAAGE: Raage Muuse Cale Xirsi.


ALLAA MAHAD LEH.
Muuse Cali Xirsi. (Buurdhaab)
E-Mail: buurdhaab22@hotmail.com
     
   

<< Go Back

Raadin

Maxaa Cusub

Buugaag



HAL AAN TEBAYEY
Price: £10.00



Habka Soomaalidu Gee
Price: £10.00

View All..   

Warside



Quraanka Kariimka ah

View All..   

Calendar

September, 2010
SuMT WThFS
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930

Aftahan.org