|
Dhulgariir
Abwaan: Max'ed Ibrahim Warsame "Hadraawi "
Tixdan cusub oo uu abwaanku shalay (02/05/2007) ku soo bandhigay gole la isugu yimid oo Hargeysa ah, wuxuu si ba'an ugaga hadlayaa haybsooca iyo aayoxumada ku jirta. Sidaas si la mid ah wuxuu ku dhaliilayaa guud ahaan dhaqan xumada bulshada haysata. Hadraawi wuxuu yidhi: "Aniga waxa ii hal-hays ah 'Anigu gob ku noqon maayo qof kale gunnimadii'". Tixda "Dhulgariir" waxay tidhi:
Axmedow nin dheeraad sitoo, dhiibsan baad tahay Tukalaad u dhaaftaa kolkaad, dhaliso tii roone. Dhalintii caleemaha lahayd, waygu dheertahay Dhawr iyo shan dhawr iyo hadana, dhawrarbaa jiraye Haddaan Beegsi kala soo dhexbaxay, tooda meel dhigaye Labadii dhallaanimo lahayd, ways dhar urisaaye Berberaawi dhuub iyo ka dhuub, waysu dhurannaaye. Ilhaamay dhiggaagiyo hablaha, dhuude falanqeeye Hadduu dhaguxu kala hayb tirsado, dheemman baad tahay.
Suugaantu waa dhaqan haddana, waa sud iyo dhiibe Dhidib iyo lud bay leedihiyo, dhaabad iyo meele Dhuuxuu ka eegaa ninkii, dhilan yaqaanaaye Qofba waa dhankuu ka arko, iyo meesha uu dhigo'e Dadka dhiiri iyo qawl sanbaa, lagu dhacsiiyaaye Sida loo dhahaabuu khalqigu, ugu dhegtaagaaye Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo, dhuumatiyo sheele Sida dhuuni qaataha murtida, looma dheehtiro'e Dhiidhiga nin laasimay hadduu, dheegto waa halise Dheeldheelligaa laga jiraa, waa la dherershaaye Dhexrooriyo waxaa lagu hojaa, weliba dhaad dhaade Dhoomaha waxaa laga xushaa, teeda dhumuc weyne.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilay Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane. Gabaygani dhambaal buu sidaa, waayo soo dhaxaye Dhul-gariirna waa kii la baxay, dhalashadiisiiye Dhawdhawda qaadkiyo ka culus, dhaan wadaa yidhiye Kana dheer is yeelyeelka iyo, ii dheh iyo faane Qof dhabcaala mooyee nin kale, waw dhadhamayaaye Xaajada halkaasaan dhigoo, dhaabad baw dihine In la sii dhaqaajay rabtaa, dhaygag badanleeye Oo loola dhaadhaco halkay, dhuux ka leedahaye.
Waxaa lumay dhudhumintii, runtiyo dheelli tirihiiye Inta samaha dhuxulayn kartaa, waa dhif iyo kowe Dhalool bay isugu biirtay iyo, tii dharjo ahayde Dhulka wuu ku soo badanayaa, baal ku dhooruhuye Dhan-xiiradu haddii ay maqlaan, ways dhufanayaane Sinnaantay dhaliil moodayaan, tii Ilaah dhigaye Dhinacay ka joogaan sharciga, waa dhis foorara'e Marka ay dhanaaniga gashiyo, dhiibta kala guurka Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro, dhacarta jiilaale Dhirin-dhirintu waa shay sanoo, lagu dhabriiraaye Hal dhabaalahaa Awgayow, tii dhamayd geliye Hays dhigan nin nooloow hiddadu, waysu dhimataaye.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilaye Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.
Laan dharab ka toostiyo Hibooy, dhool cas baad tahaye Malaa roob la dhaca waad taqaan, dhiinka jookha lehe Dhalankiisa shaygaa gobta ah, waad u dhigantaaye Dhibic iyo cadceed looshan iyo, dheel gu'baad tahaye Qurux iyo dheg baad leedihiyo, dhaabad iyo seese Dherer iyo laf baad leedihiyo, dhaygag iyo yaabe Dhebi heeg u baxay baad ka tahay, dhoobo jiifyada'e Dhul fog baad ka laacdaa, sidii dheenta laalida'e Ruuxii ku dhawraa si buu, kuugu dhegayaaye Dhabeelnimana way kugu jirtaa, dhab iyo miisaane Dhiidhiibsigaagiyo haddana, dhuda wanaagaaga
Dheehaaga maahee shishaad, dhuux u leedahaye Dhulka lagama soo qodin dadkee, Aadan baa dhalaye Adiga iyo hablaa dhinaca kale, waysu dhigantaane Dhud qudhaa ka wada beeranteen, dhaadashada guude Dhab-dhab baad ku kala leexateen, adiyo Joog-dheere Dhawawalanka waxa kuugu wacan, amase dhoohnaanta Dhimir bay ku saareen dabool, baali kaa dhigaye Dhab-darrooyinkoodaa qalbigu, dhaawac dumayaaye Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday, dhabanadaadiiye dhaqaaq joogsigaagiyo wejiga, dhaxanta saar saaran Dhadhansiga dareenkaa ka culus, buuro soo dhacaye Intaad adigu dhiilaysan tahay, taydu waa dhicise.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilaye Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.
Dhaf dhaf iyo hal hays beena baa, soo dhab dhabateene Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo, dhoohan may cunine Dhamaas lagu takooriyo ma jirin, caado dhaaf kale Dhab cad iyo ma haysaan daliil, meel la sii dhigaye Dhaqankaas canbaaraynayaa, saaray dhiillada'e Labadii hiyiga dheehi jirey, way ka dheer tahaye Weligood dhibaadada aduun, looma soo dhixine Dhaan dhaano maahee kashaa, dhooli mood tahaye
Intii aad dhisnaydeen iyagu, waa dhur sugayeene Dhufaannimo hagooglay intaas, kula dhex joogeene Dharaar uun in waa kale beryey, dhawrayeen abide Dhegahay intaas la hadlayeen, waa dhab may odhane Dhibaatadana way eegayeen, dhaayihii jireye Cishaday dhanaan tahay haddii, laysu dholol fayto Dhab u dirirka waa lagu yiqiin, dhaanto iyo shiishe Rag hadduu dhabiiltamo naftay, dhigi yiqiineene In kastuu xiniin dhaafyuhu, dhiirinimo sheegto Mar haddaan dhalliil lagu gudbayn, dhalasho mooyaane Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa, hoos in loo dhigaye Dhar-dhaarray ahaayeen intaa, dheri lahaydeene Dhaddig iyo labkoodaa ka kale, dhinacyo taagnaaye Ninka ay dhisaan baan isagu, tooda dhaydhayin.
Gudmahay dhabeeyeen ka badan, lag iyo dheeraade Hadday dhigan lahaayeen mid uun, maalba may dhaqane Dhaxalkiisa may soo xarayn, dhogorta xoolaaye Weligood dhalaal subag ah iyo, dhaashi may heline Dhay iyo karuur labada weel, dhoosha may geline Hadday dhami lahaayeen miduun, dhiilba may tolanne Dhegahooda maag baa qabsaday, shayna may dhimine Sibaa loo dhaliilaa hadana, ruuxna may dhibine Dhuyaal iyo kudaal bay damceen, dhiigna may geline Dhulka waa ka sii guurayaan, ruuxna may dhicine Dhoof bay ku daasteen inay, sibiq dhaqaaqaane Dhalashada inay dooriyaan, bay u dhowdahaye Dhagar inay galaan bay damceen, dhaarse may marine Dhaaxaan ogsoonaa halyey, dhuuntay keligiiye.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilaye Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.
Godka dhidarka beelaha qotow, dhowr kal baa hadhaye Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu, waad ka dheregteene Intaad weel manno ah dhaamiseen, waa dheg weyn tahaye Dhanihii bad weyntiyo yuryuran, waydinkii dhuraye Ulihii dharkaynkiyo cayada, waydinkii dhilaye Dhamacdiyo dabkaad quudateen, maaha dhalanteede Dhayal maaha maalmaha intaad, guulo dhigateene Sabirkiina dheer iyo xaqaa, tiina soo dhicine, Aduunyada ninkii dhalad yaqaan, waw dhab tiriyaaye Dhibaatiyo waxaa lagu yaqaan, teeda dhinac taale Markaasay is dhaaf dhaafisaa, labada dhoomoode Meel dhowna wuu kula kulmaa, kay ka dheertahaye Meel dheerna way kala tagaan, kay ku dhowdahaye Nin xaqiina meel hoose dhigay, tiisu waa dhedo'e Xumaantana wanaag baa dhaxlee, wayda haw dhimane Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga, way ku dhacantaaye Kol haddii dhabada loo qorqoro, way ku dhilantaaye, Mar hadii qalbiga ciil dhufsado, dhaaftay taladiiye Sida dhoodi meerkii Taleex, haw dhaqaaqina'e Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa, dhuunta yuurura'e
Haddii dhagar inaad gaysataan, laabtu dhigi waydo Sidaad dhaab u soofaysateen, haw dhabaynina'e Cishadaad wax dhiilayn kartaan, dhaafa tii culuse Sida aar jaguugaha dhufsaday, haw dhir laynina'e Dhanka Eebahay xiga adduun, wayska dhalanteede.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilay Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.
Dhabdhabluhu markuu yimi arlada, may dhamayn talo'e Waatay dhufaannadu khalqiga, soo dhex geliyeene waa kii dhamaastiyo falkiyo, keenay dhalanteede Waa kii dhibaabada la yimi, dheega dheegaha'e Waa kii dhufaysyada qotee, dhoombir soo rogaye Waatay dhankaas iyo dhankaas, baahday dhiilladuye Markay dhabaqday waa kii shacbigu, soo dhalaashadaye Waataad dhadhaabtiyo budkiyo, dhagaxa boobteene Waataad go'aan dhiiri kulul, kaga dhabayseene Gobanimada waa tii dhagdhago, dhaanto loo tumaye, Dharaartaana waad wada jirteen, dhiiftii kululayde Waa loo dhamaa maalmihii, laysu dhaarsadaye Hayeeshee ma sii dhugan caqligu, teeda dhinac tiille Dhiilladu halkay weeran tahay, looma faal-dhigine Waa tii la dhaawacay markay, dhalatay guushiiye Weligeed dhanbaa qaawanaa, dhidibadeediiye Xaajana intay dhowdahay, dhaymo leedahaye Shinkeedii markay dhaaftay bay, keentay dhabandheebe Dhab-darro uma toosine nabsigu, wuu dharaarsadaye, Dhacan baa la saaraa halkuu, eel ka dhow yahaye Markaasay dhurwaagiyo colkiyo, dhowrta celisaaye Nin dhug lihiba wuu garanayaa, suul dhabaalaha'e Dhabbadaa u xaadheen ninkii, soo dhus layn jiraye Dhextaalkeeda goortuu hubsaday, soo dhabacateeye Dhalliilaha markuu sahansaduu, meel ka soo dhacaye Dhawaaq toosiyow baxay lugtii, dhaaftay jeeniga'e Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo, dhoof u soo helaye Dhuxul hoos ka nool iyo dabbaa, soo dhabiib kiciye
Dhacadiidka xaajada gashiyo, dhabano hayskeeda Markii aan dhab deyey baan is idhi, dhacanta sii saare Af dhabaan-dhabkeedii hadana, waan ku dhiiradaye Dhanbaalkii digniintaan is idhi, caawa yuu dhixine, Dheehada Rashiidow marbaan, neefka loo dhigine Magaceeda oo laba kordhaban, yey dhawelantaaye Marka dhiilka lala hoos galay, meelo dhugataaye, Ummad yahay dhabaa loo hadlaa, waa is dhigateene Dulmigii lafaa dhuuxay baad, dib u dhar-dhaarteene Ummad baad xaqeedii dhamaa, dhababka saarteene Gunaadkii naftii weli ma dhigin, waase dhiig baxaye Garaadkiinu waa dhaafsan yahay, dhiilka buuxsamaye Maantana waxaa idin dhex taal, tii dib loo dhigaye Caaway u dhowdahay haddaa, dhugasho siisaane Haddaan dhaymo loo helin xujada mooyi tii dhiciye.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilaye Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaandhebiye Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.
Dhillow-yahanku waa geed ka baxa, dhuunta geed kale'e Iminkuu dhabbada soo hayaa, dhaankii reer Yurube Ninkastoo is dhoob-dhoobi jirey, dhigaha loo laabye Dheeraad hadday kala lahayd, laysu soo dhuraye Markii dhuuni loo rogay arlada, dhoorku wada daalye Dhallinyaradu way dayriyeen, dhalashadoodiiye Waa taa ninkii dhowrsanaa, qaad ku soo dhacaye Waa taa dhabeeshii hiddaha, dhaylo loo dubaye Dhuuq-dhuuqlayaashii batiyo, heen dhalaashuhuye Dheribay ku wada foorartaa, dhamaci hoostaale Dhaddigiyo labkeedii waqtigu, dhaal isugu keenye Ummaddii dhiraa kala lahayd, ways dhex huruddaaye Dheg dhegiyo lafaa dhuubtay iyo, dhogor xumaantooda Qaraamaad markay wada dhantaa, dheehu doorsamaye Hadday dhoojo wada yeelatiyo, dhiico iyo tuure Haddii dhawrsanaan lagu yiqiin, dhimay hankeediiye. Intaasoo dhamiba waa su'aal, dhiilo fool kulule Dhankeenay ka timi ceeb, wixii ina dhexyaalaye Dhibaatada xilkeedii horaa, ugu dhabcaasheene Maantana sidii dhagax dixeed, hawgu sii dhegine Haddaan dhaarta dhaar laga xushiyo, Eebbe kugu dhaarsho Inta gabay dhaf leeyahay haddaan, kaaga dhira fuulo Haddaan dhaho haddaan dhigo, haddaan weliba dhiib dhiibo Anigoon wax kuu dhimin haddaan, dhegaha kuu buuxsho Dhaq dhaqaaq ma kaa iman karaa, dhowrta lagu baajo.
Dhabtuun baa khalqigu diidayaa, meesha dheer tegaye Dhul-gariirka waa laga baqaa, waayo soo dhaxaye La dhex joogi maayoo arlada, dheelmashow qorane Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal, dhiilka aakhiro'e Ninkii dhiiri sheegtow is furo, waa dhanaan tahaye.
Dhammaad
|