|
Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org
Ururka dhaqanka, afka iyo suugaanta ee Aftahan waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa qoraaga sare ee Boobe Yuusuf Ducaale, oo ku guulaystey Abaalmarinta Buugga Sannadka 2006, abaalmarintaas oo uu bixiyo Ururka Qoraaga Somaliland. Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu qorayey ama ururinayey Diiwaanka Cabdilaahi Suldaan Timacadde in ku siman dhowr iyo soddon sano, taas oo maanta u horseedday inuu helo aqoonsi heersare ah. Boobe mujaahidnimadiisa daleed, wuxuu ku darsaday tiisa aqooneed ee uu inagaga werwer-tirey dayacii ka muuqan lahaa murtida iyo mahadhada suugaanta iyo taariikhda Timacadde, taas oo uu ku weeleeyey diiwaankan xambaarsan in ka badan 126 maanso.
Abaalmarintu waa aqoonsi isugu jira dedaalka qoraaga iyo miidda murtida uu xambaarsan yahay buuggu. Buuggu waxa uu ka hadlayaa cod-karnimadii, qayuurinnimadii, haybaddii, waddannimadii, daacadnimadii, infog-aragnimadii, indheergaradnimadii, soomaalinnimadii iyo sifooyinkii wan-wanaagsanaa ee qofnimo iyo hal-abuurnimo ee Abwaan Cabdillaahi Suldaan Maxamed “Timacadde” lahaa oo qoraaga sare Ibraahim-Hawd ku sifeeyey “Soomaaligii dhabta ahaa” annaguna aannu ku tilmaannay "Calankii Waddaniga". Waa taa arrinta uu kaga mutaystay kaalinta kowaad buugta faraha badan ee sannadka 2006-da soo baxday, una yeeshay qiimaynta gaarka ah.
Haddii aannu nahay bahda Aftahan ee dhaqanka, afka iyo suugaanta, waxa aannu hanbalyo iyo bogaadin u direynaa saaxiibkayo Boobe. Diiwaankaasna waxa aannu gardaadin u samaynay sannadkii 2006. Waxa kale oo aannu u mahadcelinaynaa Ururka Qoraaga Somaliland ee Diiwaankan u aqoonsaday kaalinta kowaad, abaalmarintana guddoonsiiyey.
Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
Guddoomiyaha Ururka Aftahan
www.aftahan.org | suldaan@aftahan.com
Yaasiin-suldaan |