Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta

Tusmo

Shopping Cart

Items In Cart:

Total Amount: £ 0.00

View Cart Contents

Checkout & Pay

Wararka

» Waraysi - Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale

» Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org

View All..  

Reviews

»  KOR-KA-XAADINTA XOG
Dhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, i Read More..

»  Aanadii Nageeye - Sh
Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin: Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheeka Read More..

Galleries


Dhaqan

View All..  

Xubin noqo

 

Name

 

Country

 

 

Email

 

 

Taariikh


Tog-dheer footballer

View All..  

Tirakoob

Online Visitors: 9

Total Visits: 3004045

Buugaag

 
     

Habka Soomaalidu Geela u Dhaqdo

By: Maxamuud Xaaji Ibraahim
Poet Name: Gaarriye
Publisher: unknown
ISBN No: non  
Book Price: £10.00
Year Of Publishing: 2006
  Book Language: Somali
  Book Benefit: barashada cilmiga geela

Habka Soomaalidu Geela u Dhaqdo

Qore: Abwaan  Maxamuud Xaaji Ibrahim

- Buug Cusub oo dhowaan la soo bandhigi doono

Buugu waxa uu wax ka tilmaamayaa taariikhda geela iyo kaalinta uu kaga jiro bulshada soomaaliyeed.

Dalka Soomaliya inta uu ku dhaqnaa waa mid aan cidina ogeyn, hase yeeshee kolka loo fiirsado sida uu bulshada dhaqaalahaheeda, dhaqankeeda, fekerkeeda, felsefaddeeda, afkeeda iyo taariikhdeeda u raadeeyey waxaad dareemaysaa oo ku qanacaysaa inuu intii Soomaali jireyba geeluna jirey oo aan cidiba kala sooci karin Soomali iyo geel, sidaa darteed ayaa qaybka mid ah culimada deristaa bulshooyinka ku qanacsanyihiin in magaca Soomaali ka soo jeedo "soo-maal".......

Hilibka iyo caanaha

Hees:
"Xoorkii laga lisay xagaagii iyo,
xusuus baa geela lagu xergeeyaa"

Gabay
"Dacaska iyo hawshaan ku qabo, waw duleeyahay"

Hilibka geela ayaa isna ah mid aan ka dhicin caanaha oo tayo iyo taranba lagu majeertaa sida murtidani tilmaamayso.

Hees:
"Jinow iyo xoor,
Jiidh iyo cadiin,
Jabdhan iyo kurus
Jawo21 mooyee
Ma wax laa jira"

Gaadiid
Geelu waa gaadiidka bulshada reer guuraaga oo rakuub ahaan iyo raray ahaantoonna looga maarmi maayo sida murtidaniba tilmaamayso.

Geeraar
"Geyigaad ku martaayoo,
Gaadiid weeye la fuulo,
Haddii geedi la maagoo,
Gugu meel fog ku hooro
Gurigaad hadhsanaysiyo,
Gurboodkii socon waayiyo,
Gurgurkaad ku rartaa".

Guurka
Sida aynu ognahay guurku marnaba kama maarmo duunyo mood iyo nool mid ay tahayba. Dhismaha qoyska Soomaaliyeedna waxa qayb libaax ka qaadan jirey geela waa kolka aynu ka hadlayno bulshada reer guuraaga ah, maxaa yeelay, geela waxa lagu tilmaamaa inuu yahay; folaadka duunyada nool. Mar gabbaati oo yarad hortiisa ayaa loo bixin jirey, kolla yarad ayaa loo bixin jirey, isla markaasna gabadha kasta oo la meherinayaa geel buu ahaa waxa ay meher u qabsan jirtey.

Geeraar
"Guurka loogama maarmee,
Gabadh uunka haweysey,
Ragba gees uga leexday,
Gobi waa nin adduun lehe,
Intaad guurti la soociyo,
Gadhcastiina kaxayso,
Abbaartaa gurigooda"

Aslaaxinta bulshada

Geelu waxa uu qayb weyn ka qaataa, heshiisiinta iyo aslaaxinta bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu galaa oo loo bixiyaa xeer, xaal iyo mag-dhow. Isaga ayaa dhaliya- isafgarashada oo wey adagtahay la'aantiis in laga heshiiyo, dhibaatooyinka dhexmara bulshada Soomaaliyeed sida murtidani tilmaamayso: Gabay: "Isagaa aslaax kala dhexdhiga, uumiyii isdilaye" Gabay: "magna haddii la galo xoolo kale, godob ma reebaane"

Hees
"Nin gardaad weyn oo la gawracay, gashi bixiyaay".

Hees
"Margi- dheereeye mag nin mooy, musku qarin waa".

 

<< Go Back

Buugaag Reviews

 
     
 

<< Previous Page

Next Page >>

Raadin

Maxaa Cusub

Buugaag



HAL AAN TEBAYEY
Price: £10.00



Habka Soomaalidu Gee
Price: £10.00

View All..   

Warside



Quraanka Kariimka ah

View All..   

Calendar

September, 2010
SuMT WThFS
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930

Aftahan.org