Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta

YUUSUF X AADAN CILMI QABILLE
Poems (Text)  

Poet Details

 

Poems (Audio)

Poet Name: Yuusuf X Aadan Cilmi Qabille
Category Name: Gabayo
Last Updated: Mon, 16 Apr 2007 03:00:00 -0400

Poem Name: Soomaaliyeey Toosoo

Soomaaliyeey Toosoo

Toosoo isku Tiirsada

Hadba kiina taagdaraneey

Taageera waligiine

Tuldo geela oo dhacan

Baad toogasho u badheedhaa

Ma dhulkan dhanee tagay

Ayaan nina qori u tuurayn

Hadba waxaan la taahaa

Togaga uga qaylshaa

Nin dalkiisii caddow tegay

U taag waayey baan ahay

Odayaasha kala tegay

Iyo tafaraaruqaa i dilayee

Ingiriis ma taliyeen

Faransiis ma tookheen

Talyaanina ma gooheen

Amxaar ima taseeyeen

Hadaydaan tog wada marin

Taladeenu meel noqon

Taabimaynno calan wacan

     
   

<< Go Back

 

Aftahan.org